Ciidamo gaaraya ku dhowaad boqol saraakaal iyo saraakiil xigeeno oo dalka Turkiga lagu soo tababaray ayaa dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo. Saraakiishan oo la socday dayuurad gaar ah oo ay leeyihiin milateriga dalka Turkiga ayaa waxaa garoonka Aadan cadde ku soo dhoweeyey Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale. Waxa uuna yiri”waxaa naga go’an dib-u-dhiska …
Dowladda Turkiga ayaa Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gudoonsiiyay darees Ciidan oo Turkigu uu ugu talo galay Ciidamada Cirka iyo kuwa Badda oo kawada tirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay Wasaarada Gaashaandhiga dalkaasi Turkiga. Dareeskan oo isugu jira dhar, kabo iyo dhamaan agabka loo isticmaalo dareeska, …
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Turkiga Mudane Hakan Çavuşoğlu iyo wafdi uu hoggaaminayey oo soo gaaray Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Soomaaliya, waxa uuna ammaanay xiriirka walaaltinnimada leh ee kala dhexeeya Turkiga. Ra’iisul …
Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay taageerada ay dowladda Turkiga siiso dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku falanqeeyay qodobadii ay ku heshiiyeen xili uu safar ku tegay Gudaha dalkaasi Turkiga. Kheyre,ayaa sheegay in ay ka mid ahaayeen heshiiska Turkiga uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya. 1: In la sii adkeeyo …
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane, Xasan Cali Khayre Iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Turkiga General Hulus Akar ayaa maanta xariga ka jaray Saldhig ciidamada lagu tababaro oo ay Dowladda Turkiga ka hirgalisay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaliya. Saldhigaan ayaa lagu waday in uu xariga ka jaro Madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed …
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Magaalada New York ee dalka Marayka qaar ka mid ah madaxda caalamka ka socotay ee ka qaybgaleysa Shirka Guud ee Qaramada Midoobey. Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Turkigamudane, Recep Tayyip Erdogan ayaa …
Dowladda Turkiga ayaa waxa ay dalka Soomaaliya u soo dirtay Markab sida raashin gargaar ah oo noocyadiisa kala duwan, si wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee abaartu ay ku habsatay. Markabkan shalay ka soo shiraacday dalka Turkiga ayaa sida Raashin tankiisu yahay 13,000 tan waxaana maalmaha soo socda la filayaa inuu soo gaaro Caasimada Soomaaliya …
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa maalintii shalay kulan waqti dheer qaatay la yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen oo ay kamid ahaayeen amniga, dhaqaalaha, horumarinta, maalgelinta waxbarshada, is weydaarsiga hiddaha iyo …
Madaxweynaha dalka Turkiga mudane, Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Ankara ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo oo maalintii Talaadada ahayd gaaray Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Labada Madaxweyne ayaa galabta …
Madaxweynaha dalka Soomaaliya mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International, isaga oo kusii jeeda dalka Turkiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumad ka helay dhigiisa dalka Turkiga Mr: Recep Tayyib Erdogan, waxa ayna booqashadan timid kadib markii labada Madaxweyne dhawaan kuwada hadleen Khadka Telfoonka, madaxweymne Farmaajo …