Qarax xoogan ayaa maanta waxa uu ka dhacay agagaarka Isgooska KM 4 ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Bar koontarool oo laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari nuuciisu ahaan NOAH oo waxyaabaha qarxa saarnaayeen, waxaana gaarigan la sheegay in uu daba socday labo …
Gaari qarax lagu soo xiray ayaa ka dhacay Isgooska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, qaraxani ayaa waxa uu waxyeelo ka soo gaartay dadkii la socday gaariga qaraxa lagu soo xiray iyo shacab meesha ka dhawaa. Goobjoogayaal ayaa sheegayay in qaraxa uu dhacay xili uu gaariga socday, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay labo ruux oo …
Wadadii qaraxa uu ka dhacay ee la oran jiray Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, balse hadda loo bixiyay Isgoyska 14-ka October, ayaa waxaa lagu bilaabay dayactir, kadib markii Dowladda hoose ay dadaal badan ku bixisay sidii wadadaasi xaaladeeda caadi ay ugu soo noqon laheyd. Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa socdo dadaalada ku aadan in …
Waxaa Qarax aad u xoogani uu maanta ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, iyadoona uu qaraxu ahaa mid si weyn looga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho. Qaraxani ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la soo dhigay ka soo horjeedka Hotel Weheliye, oo saaran laamiga …
Qarax xoogan ayaa maanta lagu weeraray Saldhiga Degmada Waaberi oo saaran laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay darbiga Saldhiga qaybta laamiga saaran, waxaana uu ahaa qarax aad u culus oo jugtiisa si weyn loo maqlay caasimadda inteeda kale. Wariyeyaal goobta ka agdhawaa …
Waxa ay warar dheeraad ahi ka soo baxayaan qaraxa gaariga loo adeegsaday oo maanta ka dhacay Degmada Wadajir, iyadoo khasaare kala duwan uu ka dhashay qaraxaasi. Qaraxa ayaa la sheegay in lagu dhuftay Iridda hore ee Xarunta Degmada Wadajir, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta Maamulka Degmada Wadajir iyo dad shacab ah oo Banaanka xarunta …
Waxa ay warar dheeri ah ka soo baxayaan weerar isugu jira qarax iyo mid fool ka fool ah oo fiidnimadii caawa lagu qaaday Bar Pizza House oo ku yaala xaafadda Banaadir ee magaalada Muqdisho. Baarkan la weeraray oo ku yaala ka soo horjeedka Hotel Posh Treats, ayaa waxaa uu weerarku ku bilowday gaari walxaha qarxa …
Masuuliyiinta Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun Diltoogasho ah ku Fulisay Nin lagu eedeeyay inuu ahaa Darawalkii waday gaarigii 26-kii bishii November 2016 ku qarxay Suuqa-beerta ee degmada Waaberi, qaraxaasi oo uu ka dhashay khasaraha farabadan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Ninka dilka maanta lagu fuliyay ayaa waxaa lagu magacaabayay Cabduqaadir Cabdi Xasan, …
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay qarax ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, gaarigan ayaa ku qarxay agagaarka Saldhiga Booliska ee Degmada Wadajir. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay ka hor inta aanu gaarigu qarxin inay gacanta ku soo dhigeen gaarigaasi ayna ciidamada ammaanka gacanta …
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan qarax xoogan oo galabta ka dhacay maqaayad ku taalla wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan ka soo horjeedka Ex-Shineemo Soomaali. Weerarkan ayaa dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay afaafka hore ee Maqaayadan oo magaceeda la …