Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay duqayn saqdii dhexe ee habeenkii Khamiista ka dhacday Deegaanka Buqo oo qiyaastii 50km u jirta Degmada Qandala ee Gobolka Bari. Wararka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay fuliyeen duqayn Daacishta Somaliya lagula beegsaday Gobolka Bari ee Puntland. Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in duqayntaasi …
Taliska Milatariga Mareykanka ee qaaradda Afrika ee (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in weerar duqeyn ah oo dhacay maalintii shalay ahayd lagu beegsaday, laguna dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab. Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo ahaa guddoomiyihii Al-Shabaab ugu magacownaa caasimadda Muqdisho, islamarkaana ka mid ahaa xubnaha ugu cod karsan kooxdaasi ayaa lagu dilay …
Booliiska magaalada Minneapolis ayaa baaritaano dheeraad ah ku wada qaabka uu u dhacay dil askari Soomaali-American ah oo katirsanaa ciidanka booliiska ee magaaladaasi Minneapolis kaasi oo toogtay haweeneyda u dhalatay dalka Australia. Ninkan oo lagu maga caabo Maxamed Nuur oo katirsanaa booliiska magaalada Minneapolis ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay dil loo geestay Haweeney …
Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka tirsanaa Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab. Sarkaal ka tirsan waaxda Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ay Dowladda Mareykanka ka saartay liiska argagixisada. Mukhtaar Roobow ayaa waxaa laga saaray liiska dadka loogu doon doonista badan …
Jaraa’id yada ka soo baxa dalka maraykanka ayaa qoray in Dambi baaraha gaarka ah ee baaraya saameyntii Ruushka uu ku lahaa doorashadii madaxweyne ee sanadkii tagay 2016-ka ee ka dhacday dalka Mareykanka, inuu baaritaankiisa ballaariyey kuna daray inuu eego haddii madaxweyne Trump uu is-hortaag ku sameeyey baaritaanka ku socdo xafiiskiisa. Warkan ayaa waxaa shaaca ka …
Madaxweyne dalka Maraykanka ee Donald Trump ayaa difaacay sir uu la wadaagay dalka Ruushka, ka dib markii uu muran ka dhashay macluumaad sir ah oo uu madaxweyne Trump la wadaagay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Ruushka. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay inuu wasiirka arimaha dibedda ee dalka Ruuhka Sergei Lavrov la wadaagay sir …
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa uga digay agaasimihii FBI-da ee uu shaqada ka eryay, in uu warbaahinta si qarsoodi ah xog u siiyo. Qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku yidhi Comey “waa inuu ogaadaa in aan wadahadalladii na dhex maray aan la duubin” hadalkaas oo ujeedada uu ka leeyahay …
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in askari katirsan ciidamadooda Marineska ee ka howlgalayay gudaha dalka Soomaaliya lagu dilay howlgal qorsheesan oo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya. Howlgalkan oo ahaa mid qorsheesan ayaa ka dhacay deegaano hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalka qeyb ka ahaa diyaaradaha …
Saddex nin oo caddaan ah ayaa maanta weerar lagu dilay, iyadoo mid kalana uu soo gaaray dhaawac halis ah, ka dib markii uu nin madow oo cunsuri ahi rasaas ku furay iyagoo ku sugan magaalada Fresno ee dalka Maraykanka. Waxaa looga shakisan yahay in ninkani uu wadey weerar midab takoor ku salaysan sida ay booliisku …
Nin ku nool magaalada Cleveland ee dalka maraykanka ayaa waxa uu suubiyay arin ay dad badan aad ula yaabeen, kadib markii si macnodaro ah u toogtay dad aan waxba galabsan. Ninkan oo madaxa looga jiro ayaa falkan uu suubiyay sheegay inay ku kaliftay haweeneey uu jeclaa oo diiday inay guursato. Steve Stephens oo ah ninka …