Wararka inaga soo gaaraya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisad ay wali ka taagan tahay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan gaar ahaan xadka Degmooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera, iyadoo weli shacabka Soomaaliyeed ay ku banaanbaxayaan ciidamada Kenya ee halkaasi jooga. Ciidamada Kenya oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa gudaha usoo galay gudaha …
Dowladda Kenya ayaa cadaysatay inay sii wadayso dhamaystirida darbiga ay sheegtay inay ka dhisayso xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto. Taliyaha Ciidamada gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya Mohamud Saleh ayaa cadeeyay in dowladda Kenya ay sii wadeyso dhismaha darbiga ee ay ka dhisayso Xuduudka u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya. Taliyaha ayaa arintani ka sheegay hadlayay …
Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ka bilaabato Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha dalka Kenya Mr: Uhuru Kenyatta oo markii labaad ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi. Madax farabadan oo afkrikaan u badan ayaa ka qeybgeli doona Munaasabada Caleemo saarka Madaxweyne Kenyatta waxaana ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya …
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo Booqday Darbiga ay Kenya ka Dhisayso Xuduuda Soomaaliya (SAWIRRO)
Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa booqday Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya kala qaybisa ee Magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, isagoo sidoo kalena booqday halka ay Dowlada Kenya ka dhisayso darbiga mudooyinkii lasoo dhaafay uu muranku ka taagnaa. Kenya ayaa sheegtay inay darbigan kaga gol leedahay inay isaga yareyso weerarada Ururka Al …
Waxaa shalay dalka Kenya ka dhacdya doorashooyin ay ka qeyb galeen Malaayiin qof oo u dhashay dalkaasi, waxaana Doorashada ay tahay mid xasaasi ah oo ay ku tartamayaan masuuliyiin kala duwan oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha talada dalkaasi hada haya ee Uhuru Kenyatta iyo Hogaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga. Madaxweynaha talada haya ee Kenya Uhurru Kenyatta …
Qarax aad u xoogan oo ay dad badani ku dhinteen ayaa shalay galab ka dhacay dalka Kenya, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan afar carruur ah oo la sheegay inay arday ahaayeen. Qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa lala beegsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska, oo ka soo dhaqaaqay Bariga Degmada Lamu …
Dagaal saf ballaaran ah ayay Dagaalyahanada Al Shabaab xalay ku qaadeen Xereda ay ku suganyihiin Ciidamada Militariga Kenya ku leeyihiin Deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa xilligii afurka ka dib dhinaca bari ka soo weeraray Xerada Ciidamada Kenya, Dagaalkan oo mudo hal saac ah socday ka dib, ayaa waxaa xoogii shabaabka …
Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay Muuqaal laga soo duubay Askari Kenyan ah oo lagu qabtay weerarkii Shabaabku sanadkii hore ay ku qaadeen fariisin ay Ciidanka Kenya ku lahaayeen degaanka Ceel-cade ee Gobolka Gedo. Askarigan ay soo bandhigeen oo lagu magacaabo Alfred Danyi Kilasi, ayaa ka codsaday Madaxda iyo shacabka Kenya in ay u midoobaan …
Dagaalyahanno katirsan ururka Al Shabaab ayaa la soo sheegayaa inay xalay weerar khasaaro gaystay ay ka fuliyeen Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan tuulo u dhaw Magaalada Mandheera. Ururka Al Shabaab ayaa weeraray deegaanka Cumar Jilacoow oo ku dhaw Magaalada Mandhera, waxayna halkaasi ku dileen askar ka tirsan ciidamada Kenya. Weerarkan oo dhacay …
April 08, 2017 – Xukuumada dalka Kenya ayaa shaacisay inay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowladda Kenya ay ku dileen Taliye ka tirsan Xarakada ururka Al-Shabaab. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in degaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen …