Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee gaarka ah ahna Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya Mr. Nicholas Haysom. Guddoomiyaha iyo Ergayga gaarka ah ayaa ka wada hadlay wada shaqeynta QM iyo Golaha Shacabka, gaar ahaan sidii baarlamaanka looga taageeri lahaa dhinaca …
Gudoomiye Muuday oo ah Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa isugu yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inay soo xaadiraan, iyadoo dhawaan la qorsheynaayo in Baarlamaanka la horgeeyo Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya. C/wali Sheekh Ibraahin Muudey Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka ayaa sheegay Xildhibaanada safarada dheer ku maqan inay dalka ku soo xaadiraan. …
Ra’iisal Wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kulan la qaatay Guddiyada Difaaca & Ammaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay ka qwada hadlayaan xaalada amniga ee dalka. Shirkan ayaa waxaa shir guddoominayay Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo uu shirkani ku wehlinayay Kuxigeenkiisa 1-aad ee …
April 01, 2017 – Xildhibaan kamid ahaanjiray xildhibaanada Baarlamaankii 9-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si lama filaan ah ugu geeriyooday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cade International. Cali Cumar Nuur oo xubin ka soo noqday dhamaan golayaashii baarlamaanka ee soo maray DF-ka, ayaa geeriyooday isaga oo halkaasi ka dhoofi lahaa una sii jeeday …
March 26, 2017 – Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxa uu Ra’iisal Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre u qoray warqad uu uga codsanayo in uu dib u eegis ugu suubiyo Golaha Wasiirada cusub. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalintii Talaadada ee la soo dhaafay magacaabay 26 Wasiir, 26 Ku Xigeeno, 15 Wasiiru …
March 01, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta furay kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana kalfadhigani shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa ka hor inta aan loo qaadin codka aqlabiyadda ayaa waxa uu khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka, isaga …
March 01, 2017 – Madaxweynaha jamhuuryadda Fedraalka ee Soomaaliya mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu furo Kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed. Maxamed Maxamuud Jimcaale oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka fedraalka ayaa sheegay in qorshaha uu yahay Madaxweyne Farmaajo inuu hor yimaado Golaha Shacabka, islamarkaana uu furo …
February 27, 2017 – Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey in Kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka uu si rasmi ah u furmi doono maalinta arbacada ah ee soo socota oo ay taariikhdu tahay 1-da Maarso-2017. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku wargelinayaa xildhibaanada golaha shacabka in ay u diyaar garoobaan furitaanka Kalfadhiga 1-aad ee golaha shacabka, oo …
February 26, 2017 – Ra’iisul wasaaraha Soomaalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka ee Soomaaliya. Xildhibaanadani ayaa sheegay iney si buuxda u taageersan yihiin ra’iisul wasaaraha cusub, ayna codka kalsoonida ah siin doonaan marka la horkeeno Baarlamanka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xildhibaanada …
February 13, 2017 – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay xildhibaan Siciid Xasan Geeddi, kaasi oo ka tirsanaa aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Marxuum Siciid Xasan ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, ka dib markii uu in muddo ah xanuunsanaa. Marxuum xildhibaan Siciid Xasan Geeddi ayaa u geeriyooday …