SawirrotvSawirrotv
  • HOME
  • SAWIRRO
  • NEWS Hit’s
  • VIDEO’S
  • NEWS
  • TOP’ 10
  • TECH
  • TAG

Madaxda Dalalka IGAD oo Kulan Dagdag ah ku Yeeshay Qadka Internetka (SAWIRRO)

March 30, 2020

Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Mudane Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebyehu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kala qeyb galay Madaxda dalalka IGAD shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanyeen khatarta cudurka Karoonaha (Caronaviruska) ayaa ka warbixiyey dadaallada mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu istaageen ka hortagga cudurkani.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku yeesheen qadka internetka (Video-conference) ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD xaaladda caafimaad ee dalka, halista muuqata ee ka dhalan karta cudurka Koroonaha iyo baahiyaha qalabka caafimaad ee muhiimka u ah daryeelka bukaannada cudurkaasi.

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo xakameynta cudurka Koroonaha, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda.

Sidoo kale, waxa ay isla garteen in la sameeyo qorshaha isku-dubaridka iyo xoojinta iskaashiga dhammaan wadamada IGAD ay kaga hortagayaan cudurka Koroona, iyada oo la is-dhaafsanayo khibradaha, qorsheyaasha wacyi-gelineed iyo guud ahaan xogta ku saabsan cudurkan.

Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galay shirkan ayaa diiradda saaray hannaanka loo aasaasi lahaa sanduuq dhaqaale oo heer IGAD ah, kaas oo wax lagaga qabto xaaladaha deg-degga ah ee la soo gudboonaada dalalalka Gobolka.

Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Mudane Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebyehu.

March 30, 2020 Geesey

Recent Posts

  • Madaxda Dalalka IGAD oo Kulan Dagdag ah ku Yeeshay Qadka Internetka  (SAWIRRO)
    Madaxda Dalalka IGAD oo Kulan Dagdag ah ku Yeeshay Qadka Internetka (SAWIRRO)March 30, 2020
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjire James Swan (SAWIRRO)
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjire James Swan (SAWIRRO)March 26, 2020
  • Dowladda Federaalka oo Wali Dagaal Xoogan Kula Jirta Ururka Alshabaab (VIDEO)
    Dowladda Federaalka oo Wali Dagaal Xoogan Kula Jirta Ururka Alshabaab (VIDEO)March 26, 2020

Popular Posts

  • Su’aalihii Gabadha & Hillery (VIDEO)March 2, 2016
  • Gaari Qarax Laga soo Buuxiyay oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
    Gaari Qarax Laga soo Buuxiyay oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)July 24, 2016
  • Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Biyaha Wabiga Shabeele ee ay Leexsatay Dowladda Itoobiya  (Dhagayso)
    Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Biyaha Wabiga Shabeele ee ay Leexsatay Dowladda Itoobiya (Dhagayso)March 28, 2016

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DAAWO: Weerarkii Ismiidaminta ahaa ee Shalay Lagu Qaaday Hotel Peace (VIDEO)

DAAWO: Weerarkii Ismiidaminta ahaa ee Shalay Lagu Qaaday Hotel Peace (VIDEO)

RAADi

Soomaalida Xaafadda Islii oo Qatiyaan ka Tagan Kooxda Super Power ee Magaalada Nairobi (VIDEO)

Soomaalida Xaafadda Islii oo Qatiyaan ka Tagan Kooxda Super Power ee Magaalada Nairobi (VIDEO)

Siyaasiga Faarax Macalin oo Feeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya (VIDEO)

Siyaasiga Faarax Macalin oo Feeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya (VIDEO)

Muuse Suudi Yalaxoow oo ka Qosliyay Madaxweynaha, Si Sarbeebana u Karbaashay Qurba Joogta (VIDEO)

Muuse Suudi Yalaxoow oo ka Qosliyay Madaxweynaha, Si Sarbeebana u Karbaashay Qurba Joogta (VIDEO)

Horumarka iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka Jira Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Horumarka iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka Jira Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Shabaab oo soo Bandhigtay Miinooyin ay u Dhigeen Ciidamada Amisom, Dowladda Iyo Kuwa Puntland (VIDEO)

Shabaab oo soo Bandhigtay Miinooyin ay u Dhigeen Ciidamada Amisom, Dowladda Iyo Kuwa Puntland (VIDEO)

SHARE – the News

AdvertisementAdvertisementAdvertisementAdvertisement

Nala Soo Xiriir

Your message was successfully sent. Thank You!

  Somalia

Qaybta Xayeesiinta

daar
Copyright © 2011-2019 SawirroTV.com All Rights Reserved
This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.Accept Read More
Privacy & Cookies Policy
Necessary Always Enabled