Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan iyo wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa waxa ay ka wada hadleen wadashaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey , arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha.
Intii ay ku guda-jireen kulankooda ayaa waxa ay si qoto dheer u falanqeeyeen horumarka laga sameeyay dib u heshiisiinta qaran iyo wadahadalka siyaasadeed ee Soomaalida si loo gaaro horumar dhanka nabadda ah iyo is-oggol ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka bilowga sanadka 2021.
Qaramada Midoobay ayaa taageero dhaqaale & mid farsamo waxa ay la garab taagan tahay dowladda Federalka Somaliya.

Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan ay ka dhacdo doorasho, inkastoo Guddiga doorashada ay ku adkeysanayaan doorasho qof & cod ahi ay dhici doonto, haddana dadka rajo badan kama qabaan inay doorasho noocaasi ahi ka dhacdo dalka.