Ismiidaamintan oo uu gaystay nin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawacyo kaladuwan oo uu ugaystay saddex qof oo kale, sidani ayaa waxaa xaqiijiyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in saddex qof oo isku qoys ahaa ay ku dhinteen qaraxaasi, halka saddexda kalena ay ee ku dhaawacantay.
Weerarkani ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Beerta Daraawiishta oo kaabiga ku haysa baarkii hore ee Baar Bulsho, kuna dhow Isgoyska Sayidka ee Degmada Hawlwadaag.

Soonahani ayaa ah goob ay ku yaalaan maqaaxiyado ay xilliyada qaarkood fariistaan Saraakiisha iyo Ciidamada Militariga, iyagoo mararka qaarkoodna aad arkeyso inay ku kala war qaataan.
Ururka Al Shabaab ayaa war kooban oo uu ka soo saaray ku sheegtay masuuliyadda ismiidaamintani ka dhacday maqaaxida ku taala nawaaxiga Isgoyska Sayidka.
Dhanka kale gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray Shaqaalaha Nadaafadda ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo hawlo nadiifin ah ka sameeyay goobtaasi


