Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaa in Ciidamada dowladda dagaal ay kula wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay halkaasi duulaan ku soo qaadeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Rag ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa dad halkaasi isugu soo baxay u sheegey inay lawareegeen deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 25km dhinaca Bari kaga beegan Magaalada Baydhabo, iyaga oo dadka ku nool halkaasi ka codsadey inay la Shaqeeyaan.

Hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidanka dowladda oo fadhiyay goob sidaasi aan uga sii fogeeyn weerar ku qaadeen deegaanka Deeynuunaay, isla markaana dagaal saacado badan socdey ay dib ula wareegeen.
Dagaalka ka dhacay degmeda Daynuunay ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhinteen illaa 6 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda, hayeeshee Ciidanka dowladda ay haatan gacanta ku haaya deegaankaasi, sheegayna inay ciidamo badani oo katirsan ururka alshabaab ay halkaasi ku laayeen.

Xaaladda deegaanka Daynuunaay ayaa hadda ah mid degan, waxaana Gudaha iyo daafaha Magaalada lagu arkayaa Ciidanka dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaas oo dhaq dhaqaqyo amaanka lagu sugayo sameynaya goobahaasi.
Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali wax faah faahin ah kam bixin dagaalka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.