Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Mudane Riek Machar, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Musaveni …
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan iyo wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa waxa ay ka wada hadleen wadashaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey …
Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaa in Ciidamada dowladda dagaal ay kula wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay halkaasi duulaan ku soo qaadeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Rag ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa dad halkaasi isugu soo baxay u sheegey inay lawareegeen deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 25km dhinaca Bari kaga …
Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaa in Ciidamada dowladda dagaal ay kula wareegeen deegaankaasi. Dagaalka ka dhacay degmeda Daynuunay ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhinteen illaa 6 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda.
Ismiidaamintan oo uu gaystay nin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawacyo kaladuwan oo uu ugaystay saddex qof oo kale, sidani ayaa waxaa xaqiijiyay Maamulka Gobolka Banaadir. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in saddex qof oo isku …
Garoonka Diyaaradaka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray diyaarad siday qalabka la dagaalanka cudurka COVID-19, ee ka dhashay Coronaviruska. Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejisay kartoono ay ku jiraan qalabkan oo loogu yaboohay Dowladda Federaalka. Qalabkan ayaa ah deeq ka timid milyaneerka u dhashay dalka …