Doorashada xilka Madaxweynaha Puntland ee ka socotay Magaalada Garowe oo la isla gaaray wareegii saddexaad ayaa waxaa ku soo baxay Siciid C/laahi Dani oo ka guulaystay Musharaxii la tartamaayay ee Asad Cismaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed, ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorashada Madaxweynaha cusub ee Puntland.
Saciid C/llaahi Deni ayaa helay 35 Cod, halka Jeneraal Asad Cusmaan C/llaahi 31 Cod sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Dani oo goobta Khudbad ka jeediyay ayaa si wayn ugu hambalyeeyay Musharaxiinta tartanka la gashay ee uu ka guuleystay.
Wuxuu kaloo u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee doortay Madaxweynaha cusub.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Dani, ayaa lagu dhaariyay goobtii lagu doortay, waxaana dhaariyay Gudoomiyaah Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland.