Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Federalka Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya MR.Nicholas Haysom.
WasiirKA oo la hadlay laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ergayga uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha uu ula dhaqmay sida mas’uul isaga ka amar qaata.
“Mr Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblumaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya. Marka wuxuu cay ku yahay dhaqanka UN-ta, wuxuuna gef weyn ka galay qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Ciise Cawad.
Xalay ayay ahayd markii uu soo baxay warka la xiriira in dalka laga eryay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom, kadib markii Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay go’aankaasi soo saartay.
Wakiilka la cayriyay ayaanan wali ka hadlin go’aanka culus ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya ay ku soo rogtay.