Dab xoogan ayaa maanta ka kacay Xarun Kaalin Shidaal oo ku taalla meel ku dhaw Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho,dabkan ayaa ahaa mid qasaare xoogan geytay. Muuqaalka Dabka qabsaday kaalinta ayaa ahaa mid si dhaqsiyo ah cirka isu shareeray, iyadoo goobtaasi laga kala cararray, waxaana dadweyne isugu soo baxay goobta ay dadaal u galeen sidii …
Ciidamo gaaraya ku dhowaad boqol saraakaal iyo saraakiil xigeeno oo dalka Turkiga lagu soo tababaray ayaa dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo. Saraakiishan oo la socday dayuurad gaar ah oo ay leeyihiin milateriga dalka Turkiga ayaa waxaa garoonka Aadan cadde ku soo dhoweeyey Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale. Waxa uuna yiri”waxaa naga go’an dib-u-dhiska …
Dab xoogan ayaa xalay maqribkii waxa uu ka qarxay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan aagga Bacadlaha. Dabkan oo la sheegay inuu ka dhashay Koronto ayaa kacay, kadib markii ay soo kala hooyaadeen dadkii Suuqa ku sugnaa oo ku ganacsan jiray. Dabka oo ah mid xoogan ayaa hadda ku sii fidaya qeybo cusub oo ka mid …
Doorashada xilka Madaxweynaha Puntland ee ka socotay Magaalada Garowe oo la isla gaaray wareegii saddexaad ayaa waxaa ku soo baxay Siciid C/laahi Dani oo ka guulaystay Musharaxii la tartamaayay ee Asad Cismaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed, ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorashada Madaxweynaha cusub ee Puntland. Saciid C/llaahi Deni ayaa helay 35 Cod, halka …
Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland mudane, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay wehliyaan saraakiil iyo ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ayaa gaaray degamada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose. Axmed Madoobe ayaa degmada Afmadow u tagay abaabulka iyo dardar galinta howlgalka xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe, waxa uuna Madaxweynaha kulamo la qaadan doonaa saraakiisha iyo ciidamada ku sugan …
Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray wasaaradda maaliyadda iyo Dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay horumairnta hannaanka maaliyadda dalka, kulankaasi oo ay ka qayb galeen wasiirka, wasiir …
WasiirKA oo la hadlay laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ergayga uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha uu ula dhaqmay sida mas’uul isaga ka amar qaata. Wakiilka la cayriyay ayaanan wali ka hadlin go’aanka culus ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya ay ku soo rogtay
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Federalka Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya MR.Nicholas Haysom. WasiirKA oo la hadlay laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ergayga uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha uu ula dhaqmay sida mas’uul …