Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta kulan sagootin ah ugu sameeyey madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Mr Vikram Parekh madaxii hore UNSOM ee magaalada Baydhabo.
Kulankani ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa iyo sidoo kale Mr Aroud Laloum oo noqon doona madaxa cusub xafiiska UNSOM.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Vikram uga mahadceliyay qaabkii wanaagsaneyd ee uu uga shaqeeyay xafiiska mudadii uu joogay.
“Waxaan Vikram ugu mahadcelinayaa qaabkii wanaagsaneed ee uu uga shaqeeyey xafiiska mudaddii uu joogay, sidoo kale waxaan gacmo furan ku soo dhoweynayaa madaxa cusub ee xafiiska UNSOM ee magaalada Baydhabo Aroud Laloum, waxaan u rajeynaa guul”. ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Ugu dambeyntii madaxii hore ee UNSOM Vikram Parekh ayaa maamulka Koonfur Galbeed ku amaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen, wuxuuna tilmaamay inuu u rajeynayo horumar balaaran.