Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer kutagay Tiyaatarka Qaranka ee Golaha Murtida oo ay weli ka socdaan howlo dib u dhis ah oo lagu soo nooleynayo goobihii madadaalada.

dav
Xilligii uu Ra’iisul waasraha ku guda jiray kormeerka ayaa waxaa goobta ku sugnaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumada Soomaaliya oo halkaasi ka waday shaqa Maalmeedkooda (Is-xilqaan) taasoo qayb ka ah qorshaha ay hay’adaha Dowladda kaga qayb qaadanayaan ololaha Is-xilqaan oo uu Madaxweynaha JFS ku dhawaaqay.
Ujeedka ugu weyn ee uu Ra’iisal wasaare Kheyre u kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada ayaa waxay tahay inuu u kuurgalo howsha is-xilqaan iyo siday u socoto,wuxuuna warbixin ka dhageystay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo Injineerada wax ka dhisaya xarunta.
Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin inuu soo booqdo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya xilli ay ku guda jiraan howsha (is-xilqaan) ee dib loogu dayactirayo Golaha Murtida iyo Madadaalada,islamarkaana uu Ra’iisal wasaaraha qeyb ka noqdo barnaamijka is-xilqaan ee maanta ka socodo xarunta Tiyaatarka Qaranka.