Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed. Munaasabadan oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 …
Ciidamada Dowladda Federaalka oo isugu jira Boolis, Nabad Suggid iyo Militari ayaa kala dhex galay laba Maleeshiyo beeleed oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo saaka ka ambabaxay Deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa gaaray deeganadii ugu dambeeyay ee ay labada maleeshiyo beeleed ku dagaalamayeen, iyadoo lagu guuleystay …
Doorashada guddoonka guddiga maaliyada qaranka ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Waxaana Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Xildhibaan Aadan Cali Xasan ayaa loo …
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta kulan sagootin ah ugu sameeyey madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Mr Vikram Parekh madaxii hore UNSOM ee magaalada Baydhabo. Kulankani ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa iyo sidoo kale Mr Aroud Laloum oo noqon doona madaxa cusub xafiiska UNSOM. …
Sidoo kale qarixii ka dhacay maqaayada ku taala aaga wasaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha 5tii April ee 2017, oo uu geeyey gaari saaruf ahaa oo qaraxa laga soo buuxiyay, kaasi oo sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawaca 10 kale. Gaashanle Sare C/llaahi Buule xeerilaaliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ayaa sheegay in cadeymo kala duwan oo …
Maxakamadda Darajada Kowaaad ee ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay nin ka tirsanaa ururka Shabaab, kaasi oo qeyb ka ahaa qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo loo geystay shacab ku dhaqan magaalada Muqdisho. Ninkan oo lagu magacaabo C/qaadir Abuukar Shaacir Maxamed oo 41 jir ahaa kuna dhashey magaalada Muqdisho ayaa …
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer kutagay Tiyaatarka Qaranka ee Golaha Murtida oo ay weli ka socdaan howlo dib u dhis ah oo lagu soo nooleynayo goobihii madadaalada. Xilligii uu Ra’iisul waasraha ku guda jiray kormeerka ayaa waxaa goobta ku sugnaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumada Soomaaliya oo halkaasi ka …
Waxaa uu qarax gaari caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan goob gaadiidka lagu baaro oo ku taal isgoyska Dabka ee magaalada muqdisho, halkaasi oo ay ku suganaayeen ciidamo Boolis ah oo baabuurta qaar baarayay Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nuuca raaxada ah, ayaa jugtiisa waxaa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka …