SawirrotvSawirrotv
  • HOME
  • SAWIRRO
  • NEWS Hit’s
  • VIDEO’S
  • NEWS
  • TOP’ 10
  • TECH
  • TAG

Askari Shacabka Taleefanada ka Aruursanayay oo Gacanta Lagu soo Dhigay (SAWIRRO)

October 8, 2018

Askari boolis ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha ee degmada Hodan, xilli uu dhac u geysanayay shacab ka soo baxay salaadda subax iyo kuwa u sii socday Masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.

Shacabka degmada ayaa ku war geliyay guddoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi goobayay eedeysanaha, waxa ayna soo qabteen 17-da bishii ina soo dhaaftay ee Septemper.

Isla maalintaas ayay u soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada dambi baarista Amniga, waxaana xafiiska xeer ilaalinta weydiistay Garsoorayasha Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii bishii Septemper baaritaan dheeraad kadib waxa ay soo dhameystireen dacwada eedeysane Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi waxa ayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa.

Maxkamdda ayaa u fariisatay dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ayna dhageysatay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka u doodayay eedeysanaha, waxaa sidoo kale Maxkamadda lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhaca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda.

Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa u sheegay garsoorayaasha Maxkamadda in xilliga dhaca loo geysanayay uu u cararay dhinaca Masjidka balse nasiib xumo uu eedeysanaha ka soo daba galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay Teleefoonkiisa.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku mashquulsan dhaca dadweynaha.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qiraal u yahay dambiyada lagu soo oogay.

October 9, 2018 Geesey

Related Posts

  • Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday Ciidamo ku Jira Xerada Tababarka Gen. Gordan (SAWIRRO)
    Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday Ciidamo ku Jira Xerada Tababarka Gen. Gordan (SAWIRRO)June 13, 2019
  • Saraakiil Cusub oo lagu soo tababaray Dalka Turkiga oo soo Gaaray Muqdisho (SAWIRRO)
    Saraakiil Cusub oo lagu soo tababaray Dalka Turkiga oo soo Gaaray Muqdisho (SAWIRRO)January 11, 2019
  • Dowladda Turkiga oo Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ku Warerejisay Dareys Ciidan (SAWIRRO)
    Dowladda Turkiga oo Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ku Warerejisay Dareys Ciidan (SAWIRRO)March 5, 2018

Popular Posts

  • Su’aalihii Gabadha & Hillery (VIDEO)March 2, 2016
  • Gaari Qarax Laga soo Buuxiyay oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
    Gaari Qarax Laga soo Buuxiyay oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)July 24, 2016
  • Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Biyaha Wabiga Shabeele ee ay Leexsatay Dowladda Itoobiya  (Dhagayso)
    Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Biyaha Wabiga Shabeele ee ay Leexsatay Dowladda Itoobiya (Dhagayso)March 28, 2016

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DAAWO: Weerarkii Ismiidaminta ahaa ee Shalay Lagu Qaaday Hotel Peace (VIDEO)

DAAWO: Weerarkii Ismiidaminta ahaa ee Shalay Lagu Qaaday Hotel Peace (VIDEO)

RAADi

Soomaalida Xaafadda Islii oo Qatiyaan ka Tagan Kooxda Super Power ee Magaalada Nairobi (VIDEO)

Soomaalida Xaafadda Islii oo Qatiyaan ka Tagan Kooxda Super Power ee Magaalada Nairobi (VIDEO)

Siyaasiga Faarax Macalin oo Feeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya (VIDEO)

Siyaasiga Faarax Macalin oo Feeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya (VIDEO)

Muuse Suudi Yalaxoow oo ka Qosliyay Madaxweynaha, Si Sarbeebana u Karbaashay Qurba Joogta (VIDEO)

Muuse Suudi Yalaxoow oo ka Qosliyay Madaxweynaha, Si Sarbeebana u Karbaashay Qurba Joogta (VIDEO)

Horumarka iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka Jira Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Horumarka iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka Jira Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Shabaab oo soo Bandhigtay Miinooyin ay u Dhigeen Ciidamada Amisom, Dowladda Iyo Kuwa Puntland (VIDEO)

Shabaab oo soo Bandhigtay Miinooyin ay u Dhigeen Ciidamada Amisom, Dowladda Iyo Kuwa Puntland (VIDEO)

SHARE – the News

AdvertisementAdvertisementAdvertisementAdvertisement

Nala Soo Xiriir

Your message was successfully sent. Thank You!

  Somalia

Qaybta Xayeesiinta

daar
Copyright © 2011-2019 SawirroTV.com All Rights Reserved
This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.Accept Read More
Privacy & Cookies Policy
Necessary Always Enabled