Maanta ayaa si rasmi ah waxaa u bilowday dhismaha Xarunta KMG ee Baarlamaanka uu ku sii shaqeyndoono inta laga dhisayo Xarunta weyn ee golaha shacabka
Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa si rasmi ah u daah furay dhismaha lagu sameynayo xarunta KMG ee Golaha shacabka ku sii shaqeynayo.
Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay howl wadeenada iyo Injineerada loo xil saaray dhismaha xaruntan in ay waqtiga loogu tala galay ku dhameeyaan dhismaha.
Xarunta maanta dhismaha lagu bilaabay ayaa ah Xarunta Villa Hargeysa waxa ayna si ku meelgaar ah u sii noqoneysaa xarunta golaha shacabka.