SawirrotvSawirrotv
  • HOME
  • SAWIRRO
  • NEWS Hit’s
  • VIDEO’S
  • NEWS
  • TOP’ 10
  • TECH
  • TAG

Farmaajo oo Xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay Ra’iisul Kuxigeenka Dalka Turkiga (SAWIRRO)

February 23, 2018

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Turkiga Mudane Hakan Çavuşoğlu iyo wafdi uu hoggaaminayey oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Soomaaliya, waxa uuna ammaanay xiriirka walaaltinnimada leh ee kala dhexeeya Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa dhankiisa uga mahadceliyey sida diirran ee ay Dowladda Federaalka usoo dhaweysay isaga iyo wafdiga la socday, wuxuuna ammaanay dadaallada dib u heshiisiineed ee ay Dowladda Federaalka ka wado dalka iyo horumarka dhanka Siyaasadda ay ku tallaabsatay.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa caddeeyey in ay fulin doonaan heshiisyadii ay Soomaaliya ku kala saxiixdeen Ankara bishii Janaayo ee sannadkan, ayna ka bilaabayaan maalgashiga Kalluumaysiga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga sidii loosii adkeyn lahaa loona horumarin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiga, wuxuu Madaxweynuhu ku bogaadiyey Dowladda Turkiga tababaridda, tayaynta iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliyeed si ay uga xoreeyaan dalka argagaxisada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa sheegay in sannadkan ay kordhiyeen miisaaniyadda ay ku kabaan Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay maalgashi ku samayn doonaan webiga Shabeelle si kor loogu qaado waxsoosaarka Beeraha Soomaaliya.

February 24, 2018 Geesey

Related Posts

  • Saraakiil Cusub oo lagu soo tababaray Dalka Turkiga oo soo Gaaray Muqdisho (SAWIRRO)
    Saraakiil Cusub oo lagu soo tababaray Dalka Turkiga oo soo Gaaray Muqdisho (SAWIRRO)January 11, 2019
  • Dowladda Turkiga oo Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ku Warerejisay Dareys Ciidan (SAWIRRO)
    Dowladda Turkiga oo Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ku Warerejisay Dareys Ciidan (SAWIRRO)March 5, 2018
  • Ra’iisul Wasaar Xasan Cali Kheyre oo Ka Qaybgalay Maalinta Xornimada Turkiga (VIDEO)
    Ra’iisul Wasaar Xasan Cali Kheyre oo Ka Qaybgalay Maalinta Xornimada Turkiga (VIDEO)October 30, 2017

Popular Posts

  • Su’aalihii Gabadha & Hillery (VIDEO)March 2, 2016
  • Gaari Qarax Laga soo Buuxiyay oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
    Gaari Qarax Laga soo Buuxiyay oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)July 24, 2016
  • Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Biyaha Wabiga Shabeele ee ay Leexsatay Dowladda Itoobiya  (Dhagayso)
    Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Biyaha Wabiga Shabeele ee ay Leexsatay Dowladda Itoobiya (Dhagayso)March 28, 2016

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DAAWO: Weerarkii Ismiidaminta ahaa ee Shalay Lagu Qaaday Hotel Peace (VIDEO)

DAAWO: Weerarkii Ismiidaminta ahaa ee Shalay Lagu Qaaday Hotel Peace (VIDEO)

RAADi

Soomaalida Xaafadda Islii oo Qatiyaan ka Tagan Kooxda Super Power ee Magaalada Nairobi (VIDEO)

Soomaalida Xaafadda Islii oo Qatiyaan ka Tagan Kooxda Super Power ee Magaalada Nairobi (VIDEO)

Siyaasiga Faarax Macalin oo Feeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya (VIDEO)

Siyaasiga Faarax Macalin oo Feeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya (VIDEO)

Muuse Suudi Yalaxoow oo ka Qosliyay Madaxweynaha, Si Sarbeebana u Karbaashay Qurba Joogta (VIDEO)

Muuse Suudi Yalaxoow oo ka Qosliyay Madaxweynaha, Si Sarbeebana u Karbaashay Qurba Joogta (VIDEO)

Horumarka iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka Jira Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Horumarka iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka Jira Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Shabaab oo soo Bandhigtay Miinooyin ay u Dhigeen Ciidamada Amisom, Dowladda Iyo Kuwa Puntland (VIDEO)

Shabaab oo soo Bandhigtay Miinooyin ay u Dhigeen Ciidamada Amisom, Dowladda Iyo Kuwa Puntland (VIDEO)

SHARE – the News

AdvertisementAdvertisementAdvertisementAdvertisement

Nala Soo Xiriir

Your message was successfully sent. Thank You!

  Somalia

Qaybta Xayeesiinta

daar
Copyright © 2011-2019 SawirroTV.com All Rights Reserved
This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.Accept Read More
Privacy & Cookies Policy
Necessary Always Enabled