SawirrotvSawirrotv
  • HOME
  • SAWIRRO
  • NEWS Hit’s
  • VIDEO’S
  • NEWS
  • TOP’ 10
  • TECH
  • TAG

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Itoobiya Kula Kulmay Madax Kala Duwan (SAWIRRO)

January 29, 2018

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qeybgalaysay Shir-Madaxeedka Ururka Midowga Afrika ee ka dhacaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shirar gooni gooni ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al Bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Yoweri Museveni, Madaxweyne ku-Xigeenka Koowaad ee dalka Burundi,Mr. Gaston Sindimwo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa dhiggiisa Jabuuti uga mahadceliyey dadaalka badan ee uu galiyey dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo garab istaagga ay muujiyaan mar walba. Madaxweyne Geele ayaa dhiniciisa ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya isaga oo adkeeyay in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Ciidamada Soomaaliyeed, arrintaasna ay Jabuuti kaalin weyn ka qaadan doonto.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-bashiir ayaa inta badan looga hadlay dhismaha Hay’adaha Dowladda iyo dib u dhisidda Ciidanka Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay kabsasho fiican sameysay sannadihii ugu dambeeyey, walina ay jiraan qorshayaal la rabo in laga caawiyo sidii loo dhammeystiri lahaa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan kulankii ay yeesheen waxa ay isku soo qaadeen xaaladda Koofurta Suudaan. Si gaar ah Madaxweyne Farmaajo ayaa Mudane Salva Kiir ka wareystay Xaaladda Ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Koofurta Suudaan.

Madaxweynaha Koofurta Suudaan waxa uu ammaanay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkiisa kunool, waxa uuna sheegay in ay horumarka Koonfurta Suudaan gacan weyn ka geysteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn, labada Masuul ayuu Madaxweynuhu mid kasta kala hadlay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa dagaalka lagula jiro argagixisada iyo ka shaqeynta xasilinta Soomaaliya.

Madaxweyne Famaajo ayaa ugu danbeyntii waxa uu la kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya iyo Burundi ay isdhaafsi ganacsi samaystaan. Mudane Sindimwo ayaa sheegay in Ciidamadooda jooga Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan Nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, isagoo sheegay in Madaxda Afrika uu la kulmay ay isku afgarteen in Ciidamada Soomaaliya la taageero.

Mudane Gaston Sindimwo ayaa Madaxweyne Farmaajo ku casumay shir bisha soo socota ee Abriil ka dhici doona dalka Burundi oo ay yeelan doonaan dalalka ku bahoobay Ururka COMESA, Madaxweyne Farmaajo ayaa mudane Sindimwo ka aqbalay casumaaddaasi.

February 5, 2018 Geesey

Related Posts

  • Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Cusub ee Dalka Spain (SAWIRRO)
    Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Cusub ee Dalka Spain (SAWIRRO)February 28, 2018
  • Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka Qaybgalaya Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika
    Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka Qaybgalaya Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga AfrikaJanuary 28, 2018
  • Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku Bixiyay in Saraakiisha Da’da yar Loo Dhiibo Xilal Sare (VIDEO)
    Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku Bixiyay in Saraakiisha Da’da yar Loo Dhiibo Xilal Sare (VIDEO)December 26, 2017

Popular Posts

  • Su’aalihii Gabadha & Hillery (VIDEO)March 2, 2016
  • Gaari Qarax Laga soo Buuxiyay oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
    Gaari Qarax Laga soo Buuxiyay oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)July 24, 2016
  • Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Biyaha Wabiga Shabeele ee ay Leexsatay Dowladda Itoobiya  (Dhagayso)
    Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Biyaha Wabiga Shabeele ee ay Leexsatay Dowladda Itoobiya (Dhagayso)March 28, 2016

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DAAWO: Weerarkii Ismiidaminta ahaa ee Shalay Lagu Qaaday Hotel Peace (VIDEO)

DAAWO: Weerarkii Ismiidaminta ahaa ee Shalay Lagu Qaaday Hotel Peace (VIDEO)

RAADi

Soomaalida Xaafadda Islii oo Qatiyaan ka Tagan Kooxda Super Power ee Magaalada Nairobi (VIDEO)

Soomaalida Xaafadda Islii oo Qatiyaan ka Tagan Kooxda Super Power ee Magaalada Nairobi (VIDEO)

Siyaasiga Faarax Macalin oo Feeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya (VIDEO)

Siyaasiga Faarax Macalin oo Feeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya (VIDEO)

Muuse Suudi Yalaxoow oo ka Qosliyay Madaxweynaha, Si Sarbeebana u Karbaashay Qurba Joogta (VIDEO)

Muuse Suudi Yalaxoow oo ka Qosliyay Madaxweynaha, Si Sarbeebana u Karbaashay Qurba Joogta (VIDEO)

Horumarka iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka Jira Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Horumarka iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka Jira Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Shabaab oo soo Bandhigtay Miinooyin ay u Dhigeen Ciidamada Amisom, Dowladda Iyo Kuwa Puntland (VIDEO)

Shabaab oo soo Bandhigtay Miinooyin ay u Dhigeen Ciidamada Amisom, Dowladda Iyo Kuwa Puntland (VIDEO)

SHARE – the News

AdvertisementAdvertisementAdvertisementAdvertisement

Nala Soo Xiriir

Your message was successfully sent. Thank You!

  Somalia

Qaybta Xayeesiinta

daar
Copyright © 2011-2019 SawirroTV.com All Rights Reserved
This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.Accept Read More
Privacy & Cookies Policy
Necessary Always Enabled