Dowladda Kenya ayaa cadaysatay inay sii wadayso dhamaystirida darbiga ay sheegtay inay ka dhisayso xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto.
Taliyaha Ciidamada gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya Mohamud Saleh ayaa cadeeyay in dowladda Kenya ay sii wadeyso dhismaha darbiga ee ay ka dhisayso Xuduudka u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.
Taliyaha ayaa arintani ka sheegay hadlayay qeyb ka mid ah dhismaha darbiga ee Xuduuda oo lagu soo gabagabeeyay magaladda Mandera ayuu sheegay in sababta darbiga loo dhisayo ay tahay in ay iskaga difaacaan weerarada Al Shabaab.
Saalax ayaa xusay in Kenya ay si tartiib tartiib ah u wado dhisida darbiga arrimo dhaqaalo aawgeed, balse aysan ka daali doonin dhismaha darbigaasi.
Sidoo kale waxa uu sheegay in darbiga uu gaari doono illaa iyo 400KM, islamarkaana marka la dhameeyo loo sameyn doono kaliya labo meelood oo laga soo galo halkaas oo uu sheegay in ay dhigi doonan Camerooyinka wax basaasa ee CCTV Camerada.
Kenya ayaa Sanadkii 2015-kii ku dhawaaqday in ay darbi ka dhiseyso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya sababo ammaanka dalkaasi.