Dowladda Kenya ayaa cadaysatay inay sii wadayso dhamaystirida darbiga ay sheegtay inay ka dhisayso xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto. Taliyaha Ciidamada gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya Mohamud Saleh ayaa cadeeyay in dowladda Kenya ay sii wadeyso dhismaha darbiga ee ay ka dhisayso Xuduudka u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya. Taliyaha ayaa arintani ka sheegay hadlayay …
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, C/wali Jaamac Gorod oo la furay amarkaasi ayaa isla shalay wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha dhalinyarada ah ee ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa waxa uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya uu waydiistay in hoggaanada ciidanka iyo Talisyada qaybaha loo dhiibo Saraakiisha da’da yar ee tababarada casriga ah soo qaatay.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qeybgalaysay Shir-Madaxeedka Ururka Midowga Afrika ee ka dhacaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa Shirar gooni gooni ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan, Cumar …
Saaka Aroortii hore ayaa waxaa dagaal xoogan uu ka qarxay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, kaasi soo u dhaxeeya ciidamo halkaasi isku horfadhiyay oo ka kala socda maamuladda Puntland iyo Soomaaliland. Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu ka qarxay saldhig ciidamada Soomaaliland ay ku leeyihin duleedka deegaanka Tukaraq, wararka ayaa waxa ay intaasi ku daraya …
Saaka ayaa lagu waddaa in magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, uu ka furmo Shir Madaxeedka Caadiga ah ee ururka Midowga Afrika, iyadoona Shirkaasi uu ka qayb galayo Madaxweynaha Soomaaliya oo hadda ku sugan caasimadda dalkaasi. Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxaana …
Dowladda Mareykanka ayaa maanta ugu yaboohay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya lix gaari oo ah kuwa aan rasaasta karin ah, si loogu dardargeliyo hawlada wasaaradda gaashaandhiga . Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa gaadiidkan ka guddoomay Saraakiil ka socday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Munaasabadan kooban oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho …
Waxaa saaka soo gaaray Magaalada Muqdisho Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka ee Soomaaliya Mudane, Axmed Ciise Cawad. Waxaa wasiirkan cusub Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Xildhibaano, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda. Maalinta Berri ah ayaa lagu qaban doona magaalada Muqdisho Munaasabad Xil Wareejinta ah, …
Xalay Saqdii dhexe ayaa waxaa Burcad Koonfur Afrikaan ah ay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka Ganacsada ah ee dalkaasi ku nool ay ku dileen dukaan uu ku lahaa Magaalada Cape Town ee dalka koonfur Afrika. Alaha u naxariistee Muwaadinkan oo lagu Magacaabi jiray Cabdulaahi Macalin Cali ayaa lagu dhex toogtay Goobtiisa Ganacsi oo …
Munaasabad lagu qabtay Dekedda Muqdisho ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mahdi Maxamed Guuleed maanta lagu wareejiyay qalab casri ah oo lagu soo saaro Maraakiibtii ku bur buray Biyaha Badda iyo qashinka. Qalabkan cusub oo ay keentay shirkadda Albeyrak ee ka howlgasha Dekadda Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa goobta lagu daah …