SawirrotvSawirrotv
  • HOME
  • SAWIRRO
  • NEWS Hit’s
  • VIDEO’S
  • NEWS
  • TOP’ 10
  • TECH
  • TAG

Diyaaradaha Maraykanka oo Duqayn ku Weeraray Hogaamiyihii Ururka Daacish ee Gobolka Bari (VIDEO)

November 4, 2017

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay duqayn saqdii dhexe ee habeenkii Khamiista ka dhacday Deegaanka Buqo oo qiyaastii 50km u jirta Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Wararka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay fuliyeen duqayn Daacishta Somaliya lagula beegsaday Gobolka Bari ee Puntland.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in duqayntaasi lala eegtay xero ay ku sugnaayeen Daacishta Soomaaliya, isla-markaana ay iminka wadaan qiimayn ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Ilo wareedyo madax bannaan, ayaa sheegaya in masuuliyiinta duqayntaasi lagu dilay uu ka mid yahay Hogaamiyaha Daacishta Somaliya, Sheekh C/qaadir Muumin Cali oo daba-yaaqadii sanadkii 2015 ka baxay Ururka Al Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku darayaan in duqayn kale Jimcihii lala beegsaday Daacishta Soomaaliya, xilli ay meydad ku aasayeen meel aan sidaasi uga fogayn Deegaanka Buqo.

Jaamac Maxamed Quurshe Gudoomiyaha Degmada Qandala ayaa sheegay inay wararka ku hayaan in Daacishta Soomaaliya duqayn culus lagula beegsaday Deegaanka Buqo, inkastoo uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka sii bixiyo khasaaraha ururka Daacish ka soo gaaray duqayntaasi.

Sheekh C/qaadir Muumin oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa horey u soo noqday Madaxii Dacwadda ee ururka Al Shabaab, ayaa bishii October ee sanadkii 2015 Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari uga dhawaaqay inuu isaga baxzy Ururka Al Shabaab.

November 12, 2017 Geesey

Related Posts

  • Ra’iisul wasaare Khayre oo Kormeeray Howlaha Dekadda Muqdisho (SAWIRRO)
    Ra’iisul wasaare Khayre oo Kormeeray Howlaha Dekadda Muqdisho (SAWIRRO)January 6, 2019
  • Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Dalka Laga Eryay & Dowladda oo ka Hadashay (VIDEO)
    Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Dalka Laga Eryay & Dowladda oo ka Hadashay (VIDEO)January 2, 2019
  • Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Ansixiyay Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka (SAWIRRO)
    Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Ansixiyay Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka (SAWIRRO)December 31, 2018

Popular Posts

  • Su’aalihii Gabadha & Hillery (VIDEO)March 2, 2016
  • Gaari Qarax Laga soo Buuxiyay oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
    Gaari Qarax Laga soo Buuxiyay oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)July 24, 2016
  • Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Biyaha Wabiga Shabeele ee ay Leexsatay Dowladda Itoobiya  (Dhagayso)
    Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Biyaha Wabiga Shabeele ee ay Leexsatay Dowladda Itoobiya (Dhagayso)March 28, 2016

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DAAWO: Weerarkii Ismiidaminta ahaa ee Shalay Lagu Qaaday Hotel Peace (VIDEO)

DAAWO: Weerarkii Ismiidaminta ahaa ee Shalay Lagu Qaaday Hotel Peace (VIDEO)

RAADi

Soomaalida Xaafadda Islii oo Qatiyaan ka Tagan Kooxda Super Power ee Magaalada Nairobi (VIDEO)

Soomaalida Xaafadda Islii oo Qatiyaan ka Tagan Kooxda Super Power ee Magaalada Nairobi (VIDEO)

Siyaasiga Faarax Macalin oo Feeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya (VIDEO)

Siyaasiga Faarax Macalin oo Feeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya (VIDEO)

Muuse Suudi Yalaxoow oo ka Qosliyay Madaxweynaha, Si Sarbeebana u Karbaashay Qurba Joogta (VIDEO)

Muuse Suudi Yalaxoow oo ka Qosliyay Madaxweynaha, Si Sarbeebana u Karbaashay Qurba Joogta (VIDEO)

Horumarka iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka Jira Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Horumarka iyo Dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka Jira Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Shabaab oo soo Bandhigtay Miinooyin ay u Dhigeen Ciidamada Amisom, Dowladda Iyo Kuwa Puntland (VIDEO)

Shabaab oo soo Bandhigtay Miinooyin ay u Dhigeen Ciidamada Amisom, Dowladda Iyo Kuwa Puntland (VIDEO)

SHARE – the News

AdvertisementAdvertisementAdvertisementAdvertisement

Nala Soo Xiriir

Your message was successfully sent. Thank You!

  Somalia

Qaybta Xayeesiinta

daar
Copyright © 2011-2019 SawirroTV.com All Rights Reserved
This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.Accept Read More
Privacy & Cookies Policy
Necessary Always Enabled