Wadadii qaraxa uu ka dhacay ee la oran jiray Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, balse hadda loo bixiyay Isgoyska 14-ka October, ayaa waxaa lagu bilaabay dayactir, kadib markii Dowladda hoose ay dadaal badan ku bixisay sidii wadadaasi xaaladeeda caadi ay ugu soo noqon laheyd.
Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa socdo dadaalada ku aadan in halkaasi saaro laami, waxaana ka hawlgalaya shaqaalaha Dowladda hoose iyo Koox dhalinyaro ah oo ka qayb qaadanaysa hawlaha socda.
Tani ayaa muujinaysa in weli uusan dhiman damiirka shacabka Somaliyed ee ku aadan hagaajinta meelaha sidan oo kale ay uga dhacaan masiibooyinka, maadaama Isgoyska Zoobe uu raad wayn ku reebay qaraxii 14-kii Bishan halkaasi ka dhacay.
Laamiga halkii uu ka go’ay ayaa waxaa la saaraya laami si halkaasi aanan looga dareemin dhibaatadii ka dhalatay qaraxii Zoobe oo laamiga qayb ka mid ah ay bohol dheer noqotay.
Maamulka Gobolka Banaadir oo tan iyo maalintii qaraxaasi uu dhacay hawlo kala duwan ka waday halkaasi ayaa ugu dambeyn goobtii masiibada ka dhacday ka dhigay meel wadadu simantahay.