Waxaa soo baxaya warar sheegay in dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ay saakay weerar culus ku qaadeen xerada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaanka Buulo Gaduud, oo 29-KM dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo.
Weerarkan oo ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay ilinka hore ee xeradaasi, ayaa waxaa xigay iska horimaad fool ka fool leh, oo labada dhinac ku dhex maray halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal-yahanada Shabaabku ay xoog ku galeen xeradaasi, iyagoona askartii ku sugneyd goobtaasi ay isaga kala carareen xereda.
Wararka waxay intaa ku darayaan in Shabaabku ay iminka ku sugan yihiin xeradaasi, iyagoona si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Buulo Gaduud.
Ciidamada Somalida, ayaa waxaa la soo sheegayaa in khasaaraha ugu badani uu ka soo gaaray qaraxii hore ee ismiidaaminta ee weerarkaasi uu ku bilowday.
Ciidamada Militarga Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ay wehlinayaan Ciidamada Amisom iyo kuwo Mareykanka ee degan duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa bishii hore guluf ay ku qaadeen deegaankaasi xoog ugala wareegay dagaalyahanadii Shabaabka ee goobtaasi ku sugnaa.
Ciidamada Mareykanka iyo Amisom ayaa maalmo ka dib soo baneeyay Buulo Gaduud, iyagoona uga soo tagey Ciidamada isku dhafka ahaa ee Soomaalida.