Waxaa maanta si rasmi ah xilka looga qaaday Gudoomiye kuxigeenadii maamulka gobolka Banaadur, waxaana isla maanta la magacaabay afar Gudoomiye kuxigeen iyo Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir.
Gudoomiye kuxigeenada cusub ayaa maanta barqadii la geeyay xarunta Maamulka gobolka Banaadir, waxa ayna halkaasi kula kulmeen Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo gudoomiye Kuxigeenadii xilka laga qaaday.
Kulanka kadib ayaa kuxigeenada cusub iyo Xoghayaha lagu soo wareejiyay xarunta maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan xafiisyada ay ku shaqo geli doonaan.
Maalinta berito ayaa lagu wadaa in xilka si rasmi ah ula wareegaan Gudoomiye kuxigeenada cusub ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee gobolka, waxaana magacaabistan horu dhacv u tahay isbadal lagu sameenayo gebi ahaan maamulka gobolka Banaadir.