Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu booqasho kedis ah ku tagey Xeebta Liido oo ku taala Degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed.
Masuuliyiintan, ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii xilligaasi damaashaadka u joogay Xeebta Liido. Ra’iisal Wasaaraha ayaa la arkayay isagoo gacan-qaadaya shacabkii uu kula kulmay xeebta Liido.
Waa booqashadani ayaa ah tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo Ra’iisal Wasaare Khayre uu ku tago Xeebto Liido, tan iyo markii loo magacaabay inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha dalka.