April 13, 2017 – Waxaa maanta magaalada Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir, ahna duqa caasimadda Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta ka soo degaay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.
Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey Xildhibaanadda Labada Gole ee dowladda federaalka, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir, saraakiil ciiddan iyo shacab kale.
Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa la filayaa inuu maalinta Sabtida ah si rasmi ah xilka Gobalka Banaadir kala wareego Guddoomiyihii hore, Sheekh Yuusuf Jimcaale.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu soo bandhigi doono Qorshe-hawleedkiisa cusub ee uu ku hogaamin doono Maamulka Gobalka Banaadir, gaar ahaan Sugidda Ammaanka Muqdisho.
Guddoomiyaha Cusub ayaa waxaa xilkaasi loo magacabay maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, iyadoo ay Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen magacaabistiisa.