March 15, 2017 – Waxaa maanta magaalada Muqdisho booqasho aan horey loo sii shaacin ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka ingariiska Mr. Boris Johnson, wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.
Soo dhawaynta kadib ayaa Waxaa wasiirka loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo, waxa ayna la bada dhinac yeesheen kulan ay uga hadlayeen xoojinta xariirka labada dowladood iyo sidii dalka Ingariiska uu uga qeyb qaadan lahaa gurmadka abaaraha ee dalka Soomaaliya.
Waxana ay sidoo kale wasiirka iyo Madaxweyne Farmaajo ka wada hadleen shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo la filayo in bisha May lagu qabto magaalada London ee caasimada dalka Ingariiska.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda dakla Ingariiska Boris Johnson ayaa sheegay in xiligan Soomaaliya ay horumar wanaagsan ka sameeneyso dhinacyo kala duwan sida Dimuqoraadiyada iyo la dagaalanka Al Shabaab, waxana uu soo dhaweeyay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Soomaaliya, taasi oo uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo.