August 19, 2016 – Dalka Ingariiska ayaa la sheegay inuu ku soo badanayo Isirnacaybka iyo weerarada dhanka afka & gacanta ah ee loo gaysanayo dadka soo galootiga ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.
Urur u dooda xuquuqul insaanka ee ka dhisan dalka ingariiska oo lagu maga caabo (The Equality and Human Rights Commission (EHRC) ayaa waxa uu soo saaray warbixin uu Dowladda ku wargalinayo inay wax ka qabato xaalada dadka soo galootiga ah iyo gafafka loo gaysanayo dadka aan dhaladka ahayn.
Ururkan ayaa sheegay in xaalada ay ka sii dartay markii dalka Ingariiska uu isaga baxay Yurub inteeda kale, iyadoo dad badan oo lagu tiriyo garabka midig ay arintani u qaateen inay tahay inay ka xorooben yurub inteeda kale oo ay hadda dhihikaraan wixi ay doonaan, hadii ay tahay cunsurinimo iyo hadii kalaba.